4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Mahad Cawad "Waxaan dowlada iyo hay'adaha ugu baaqayaa in si degdeg ah loo caawiyo dadka Bacaadweyn oo roobab aay sameeyeen"
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) - Deegaanka Bacaadweyn oo dhawaan aay ka da'een roobab xoogan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro naf iyo hantiba. Waxaana ku burburay guryo badan sida aay sheegeen maamulka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in aay muhiim tahay in lagarab istaago dadka Bacaadweyn oo qasaaro culus kala kulmay roobabkii da'ay.

“Roobabka ka da'ay Bacaadweyn waxaa ku dhintay 2 qof , waxaan xaaladaas kala hadalnay golaha fulinta gaar ahaan xafiiska Raiisul wasaaraha, waxaan dowlada iyo hay'adaha samafalka ah aan ka codsaneeynaa in gargaar degdeg ah lagaarsiiyo dadka deegaanka Bacaadweyn “. Sidaas waxaa yiri Mahad Cawad.

Gudoomiyaha deegaanka Bacaadweyn Axmed Daahir Cabdullaahi ayaa sheegay in deegaanka uu kujiro xaalad adag islamarkaana aay muhiim tahay in lacaawiyo. Wuxuu baaq u diray qeybaha bulshada, dowlada federaalka iyo hay'adaha gargaarka inaay caawiyaan dadka Bacaadweyn oo aay saameeyn ku yeesheen roobab halkaas ka da'ay.

Soomaaliya waxaa inta badan ka curtay roobabka guga waxaayna wateen daadad badan oo saameeyn ku yeeshay degaano badan oo kamid ah Soomaaliya. Dhawaan ayaay ahaayd markii daadad xoogan aay ku dhufteen magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana ka dhashay qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed.



Hiiraan Online, News Desk