4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Ciyaaryahan Ozil oo muslimiin kasoo kala jeeda Turkiga, Syria iyo Soomaaliya ka bixiyay afurka bisha Ramadaan
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) -Xiddiga kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa 713,000 Turkish liras oo u dhiganta $101,000 ugu deeqay Bisha Cas ee Turkiga si loogu qabto ololaha gargaarka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Lacagta ayaa loo adeegsan doonaa in lagu bixiyo afurka cuntada fiidkii illaa 16,000 oo qof oo ku sugan Turkiga, sida ay sheegtay kooxda Arsenal.

Qoysaska ku nool Turkiga iyo Siiriya ayaa 2,000 oo baakadood ayaa cunto ah ku heli doona tabaruca Ozil, halka 90,000 oo xirmooyin afur ah loogu qaybin doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kerem Kinik, oo ah madaxa Bisha Cas ee Turkiga, ayaa uga mahadceliyay Ciyaaryahan Ozil oo katirsan kooxda Arsenal ee magaalada London.

"Waxaan gaarsiin doonaa xirmooyinka uu ku deeqay walaalkey Mesut dadka sida ugu dhaqsaha badan "ayuu yiri.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online