4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2020
Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqay gudi baaritaan ku sameeya dilalkii ka dhacay deegaanka Gololeey
 

Jimco, May 29, 2020 (HOL) -  Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray ehelada dhalinyaradii lagu laayay deegaanka Gololeey ee gobolka Shabeelada dhexe. Waxaana sidoo kale uu amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo kiiskaas.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay gudi baaritaan ku sameeya dhacdadii lagu dilay 8 dhalinyara ah oo ka shaqeeynayay howlo caafimaad.

"Waxaan dareenka murugada la qeeybsanayaa ehelada dhalinyaradii lagu laayay deegaanka Gololeey, waxaan ilahaay uga baryayaa in naxariistiisa uu siiyo. Falkaas foosha xun ma ahan in meelo kale lugaha loo galiyo, waa in baaris sax ah lagu sameeyaa". ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweynaha ayaa baaritaanka kiiskan u magacaabay wasiirada arimaha gudaha, amniga, cadaalada, madaxtooyada, xildhibaanka deegaanka uu falku ka dhacay iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe in baaris 30 maalmood ah aay sameeyaan islamarkaana soo gudbiyaan natiijada.

Dhalinyarada shalay lagu dilay deegaanka Gololeey oo hoostaga degmada Balcad ayaa ka shaqeeynayay howlo caafimaad waxaana laga afduubtay deegaanka oo saacado kadib lasoo dhigay meeydadkooda. 




Abdirisak M. Abdulle, Hiiraan Online