4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2020
Hirshabeelle oo baareysa dilkii loo geystay dhalin-yaro ka shaqeyneysay xarun caafimaad oo shabeellaha dhexe ku taalla
 

Jimco, May 29, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Amniga ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo dhowaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ka maamul ahaan iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe ee Soomaaliya ay billaabeen baaritaan la xiriira dilka loo geystay 8 dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’adda Zamzam foundation oo ku taalla tuulada Gololey.

Wasiirka ayaa ugu horreyn lahjad adag ku cambaareeyay falkaasi dhacay, waxa uuna qeexay in ay ku dadaalayaan in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dembeeyay.

“Hirshabeelle kama hari doonto kuwii ka dembeeyay falkaasi xun, ee lagu laayay dhalinyaradaasi wax galka ahaa, waxa uu ahaa ficilkaasi mid ka fog Islaannimada, damiirka nool iyo bani-aadanimadaba , sidaasi darteed waan baareynaa kuwii xummaantaasi geystay” wasiirka Amniga Hirshabeelle Kheyre ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.

Dilkaasi loo geystay dhalinyaradaasi ayaa waxa aad uga hadlay bulshada Soomaaliyeed iyagoo si siman u cambaareeyay kooxahii ka dembeeyay ficilkaasi foosha xun.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]