4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2020
Dibad-bax loogasoo horjeedo dilkii dhalinyaradii caafimaadka ka shaqeynayay oo Balcad ka dhacay


Jimco, May 29, 2020 (HOL) - Waxaa maanta degmada Balcad ee Gobolka shabeellaha dhexe ka dhacay dibad bax xooggan oo ay dhigeen dadka deegaanka iyo dhalinyarada halkaasi ku nool waxayna ugasoo horjeedeen dilkii 8 dhalinyaro ah oo ka shaqeynay arrimaha caafimaadka loogu geystay duleedka tuulada Gololey.

Dadka dibad-baxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dilayaasha , waxayna sheegeen in aysan u dulqaadan doonin falalka caynkaan oo kale ah, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in ay sameeyaan baaritaanno daah-furan si cadaaladda loo hor keeno kuwii ka dembeeyay falkaasi.

Madaxa ayeey dibad-baxayaashu ku xirteen maryo cas cas, waxayna sheegeen in dareenkooda ay ku muujinayaan tallaabo kasta illaa iyo inta dilayaasha da’yartaas lasoo qabanayo.

Dhalinyarada la dilay ayaa ahaa aqoonyahanno ka shaqeynayay xarunta Caafimaadka Gololey, waxaana dadka qaar ay falkaasi ku eedeeyeen ciidamada dowladda, halka mas’uuliyiinta Hirshabeelle ay iyaguna Al-shabaab ku riixeen, walow warbaahinta Al-shabaab taageerta ay iyagana qoreen in ficilkaasi ay geysteen ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]