4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2020
Dowladda Qatar oo sheegtay inay gargaar caafimaad usoo dirtay Soomaaliya
 

Khamiis, May 28, 2020 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al Muraikhi iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo qadka taleefonka ku wada xidhiidhay ayaa ka wada hadlay dib u eegista iskaashiga laba geesoodka ah iyo arrimaha dana wadaagga ah ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay iyagoo kaashaneya diyaaradaha dagaalka, in ay maanta Soomaaliya u direen gargaar caafimaad oo deg deg ah.

Sultan bin Saad Al Muraikhi wuxuu sheegay gargarkaan inuu la jaanqaadeyo dadaallada ay ku taageerayaan ka hortagga viruska Covid 19 ee Soomaaliya.

Dowladda Qatar waxay sheegtay inay garab taagneyd Soomaaliya intii lagu jiray cudurka  Covid-19.

Bishii May 16-keedii, Sanduuqa Horumarinta Qatar (QFFD) wuxuu ku dhawaaqay gargaarka degdegga ah oo loo soo diray Soomaaliya si ay dadka Soomaaliyeed uga caawiso la dagaallanka cudurka Coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]