4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2020
Wasiirka amniga Galmudug Fiqi: Way soo gabagabowday xilligii isbaaro sharci darro ah la dhigan jiray
 


Arbaco, May 27, 2020 (HOL) - Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Ahmed Macalin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay dhammaan koontaroolada kuyaala koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay maamuli jireen ciidammo maleeshiyo beeleed ah.

Wasiirka amniga ayaa sheegay kantaroolada inay gayndoonaan ciidamo booliis ah. Canshuurta laga qaado gaadiidka ayaa wasiirka amnigu sheegay in ay si toos ah ugu dhicidoonto wasaaradda maaliyadda Galmudug.

Muddo dheer oo sanado ah kantaroolka kuyaala koonfurta Gaalkacyo waxaa uu gacanta ugu jiray maleyshiyo beeleed aan cidina ka amar qaadan.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay isbaarooyinka sharci darrada inay yihiin waxa curyaamiyay Galmudug iyo shacabkeeda.

Wuxuu ballanqaaday in lagasoo bilaabo Matabaan illaa Gaalkacyo in ay ka qaadidoonaan isbaarooyinkaas ayna geyndoonaan ciidamo booliis ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]