4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2020
Farshaxaniiste Soomaaliyeed oo caan ah oo dalka Maraykanka ugu geeriyooday covid19
 

Arbaco, May 27, 2020 (HOL) - Xasan Noor, oo ahaa farshaxaniiste Soomaaliyeed oo ku caan baxay sawirro la socda sheekooyin iyo nolosha dhaqanka, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka  19-kii May kadib markii uu ku dhacay cudurka coronavirus.

Da’diisu waxay ahayd 83 jir. Xasan ayaa ku noolaa Mareykanka illaa sanadkii 2002. Shaqadiisa farshaxan waxaa lagu aqoonsaday Magaalooyinka Mataanaha ah, waxaana lagu muujiyey Machadka Farshaxanka ee Minneapolis, Xarunta Taariikhda Minnesota iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin Third Place Gallery iyo the Hennepin Theatre Trust.

Xasan waxaa  ku dhacay wadne xanuun iyo kelyo xanuun bilihii ugu dambeeyay, sida uu sheegay wiilkiisa, Aadan Cali. Toddobaadkii la soo dhaafay, Xasan waa uu xanuunsaday waxaana loo qaaday isbitaal halkaas oo uu looga helay cudurka COVID-19. Wuxuu ku dhintay gurigiisa oo  ku yaal Elliot Park, laba maalmood kadib xanuunkiisa.

“Aabahay wuxuu ahaa shaqsi qofkasta uu ixtiraamo,” ayuu yidhi Cali. Wuxuu ku tilmaamay aabihiis inuu yahay qof oo inta badan dharka u tolo qaraabada ama saaxiibada bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ahaa sheeko-yaqaan weyn oo jecel inuu kaftamo.

Marxuumku wuxuu ku dhashay Jubaland. Wuxuu ku bartay farshaxanka, isagoo ku qaadan jiray wakhtigiisa firaaqada inta badan noloshiisa. ah.

Kadib markuu u soo guuray Mareykanka, Xasan wuxuu wajahay kelinimo iyo go'doon. Adeegsigiisa farshaxanka wuxuu ahaa waxa kaliya ee ka caawiyay waqtiyada adag, isagoo ka xasuusin jiray noloshiisii hore si uu ula tacaamulo dhibaatooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]