4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2020
Waan waan lagu dhex dhexaadinayo madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo Garowe ka socota
 

Arbaco, May 27, 2020 (HOL) - Waan waan lagu dhex dhexaadinayo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka socota magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Guddiyo ka socday ururada bulshada oo la kulmay labada dhinac ayaa sheegay inay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa kala hadleen in khilaafka xal degdeg ah laga gaaro, si looga hortago in khilaafku isku bedelo gacan ka hadal iyo dhaawac soo gaara midnimada Puntland.

Guddoomiyaha dalladaha ururada bulshada rayidka ah ee Puntland, Faysal Qaran ayaa u sheegay warbaahinta in khilaafka uu salka ku hayo arimo shaqo, balse uusan la xidhiidhin arimo shaqsiyadeed.

Faysal Qaran wuxuu sheegay in labada dhinac uu mid kastaa ballanqaaday in uu diyaar u yahay in khilaafka la xalliyo dibna loosoo celiyo wada shaqayntoodii, iyagoo sheegay sida loo buunbuuniyay khilaafka inaanu gaarsiinayn.

Khilaafka ayaa ka dhashay wadatashi la’aan ka timid xagga magacaabista kasoo baxda madaxtooyada Puntland, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Labada masuul ayaa la filayaa inay is hor fariistaan si ay xal kama dambeys ah uga gaaraan khilaafkaan soo noqnoqday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]