4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
Dowladda Soomaaliya oo kordhineyso meelaha lagu baaro COVID-19 ee dalka
 

Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Guddiga qaran ee xakameynta xanuunka COVID-19 ee uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre,  waxaana la iskula soo qaaday xaaladahii ugu dembeeyay ee Soomaaliya iyo Coronavirus.

Shirkaan oo ahaa mid lagu qabtay barta dhinaca Internet-ka ah ee Zoom ayaa waxaa shir guddoominayay Xasan Cali Kheyre,  waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qeyb-galay ay diiradda saareen shaqooyinka horyaalla iyo marxaladda dalka iyo COVID-19.

Kulanka ayaa  la isku weydaarsaday aragtiyo dhowr ah waxaa ugu dembeyn la isla gartay in la ballaariyo goobaha xanuunkaan lagu baaro,  si loo ogaado dadka qaaday ee aan tegin goobaha sida rasmiga ah loogu baaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in la ballaarinayo goobaha lagu baaro COVID-19 ee dalka,  gaar ahaan Muqdisho,  laakiin waxaa la'eegayaa sida arrintaasi ay u dhaqan-gasho.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]