4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2020
Somaliland oo laga helay kiisas badan oo COVID -19 ah
 

Isniin, May 25, 2020 (HOL) - Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa waxay maanta shaacisay kiisas cusub oo ah Coronavirus oo laga helay dad hor leh gudaha deeggaanno kala duwan oo dhowr ah kadib markii baaritaanno lagu sameeyay bukaanno gaarayay 95 qof oo xanuunka looga shakiyay.

Waxay tilmaantay wasaaraddu in dadkaasi la baaray laga helay cudurka 35 qof oo kala jooga meelo kala duwan, kuwaas oo waayadii dembe aan ka bixin gudaha Somaliland, waxayna taasi muujinaysaa sida xanuunkan uu ugu faafiyo gudaha deegaannada Soomaaliyeed.

Xaaladahan  Cusub  ayaa ah kuwa  24-kii saac ee ugu dembeeyay  laga diiwaan-geliyay Somaliland, sida ku cad warka ay wasaaraddu sii daaysay.

Kiisaskan la shaaciyay ayaa waxaa meelaha ugu badan ee laga helay kamid ah Magaalada Boorame oo 14 kiis laga xaqiijiyay, halka Hargeysa laga helay 8 xaalad oo cusub, magaalada Burco ayaa Iyana 8  kiis laga xaqiijiyay, 2 bukaan ayaa laga helay magaalada Laascaanood, halka 1 bukaanna uu ku noolyahay Alleybaday.

Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in qof dumar ah oo uu  xanuunkaan hayay  ugu geeriyootay magaalada Hargeysa.

Somaliland guud ahaan dadka xanuunkaan qaaday ayaa gaaraya  203 ruux, waxaa ka bogsaday 19 qof, halka ay 15 kalena ay u geeriyoodeen, sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]