4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2020
Itoobiya oo diiwaan galisay tiradii ugu sareysay ee faafitaanka maalin laha ah ee Covid-19
 

Isniin, May 25, 2020 (HOL) - Warbixin ay soo saartay Ethiopia ayaa lagu sheegay in kiisaska 'Covid-19' ay Axadii gaareen 582 kadib markii 88 kiis oo dheeri ah la xaqiijiyay, wasaarada caafimaadka ee Itoobiya ayaa sidaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Tani waa illaa iyo hadda kororka ugu sarreeya ee maalinlaha ah ee dalka geeska Afrika, kaasoo Sabtidii laga soo sheegay 61 xaaladood oo cusub oo la xaqiijiyey inay yihiin Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dhammaan dadka laga helay kiisaska covid -19' ay yihiin muwaadiniin Itoobiyaan ah - 51 rag ah iyo 37 dumar ah - iyadoo da’doodu u dhaxeyso 8 illaa 75 sano.

Wasaaradda ayaa sidoo kale carabka ku adkeysay in 88-da kiis ee cusub, 13 kamid ah in ay leeyihiin taariikh safar oo dibada ah, halka 55ka kalena la sheegay inaysan laheyn taariikh safar oo dibada ah iyo sidoo kale iyagoon horey ula xiriirin ula lahayn dad cudurka qaba.

Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in 152 bukaan oo laga helay cudurka 'Covid-19' ay ilaa hadda ka soo kabsadeen fayraska.

Halka Shan bukaan ay u dhinteen Covid-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]