4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2020
Diridhabe oo maanta salaaddii Ciidda lagu tukaday masaajidda magaalada

Axad May 24, 2020 (HOL) - Waxaa maanta si wayn loogu tukaday salaaddii ciidda masaajidda waawayn ee ku yaal magaalada Diridhabe, iyadoo dadku ku dhaqmayeen awaamirta dawladda ee lagaga hortagayo cudurka Covid 19.

Haddaba masaajidda maanta lagu tukaday salaaddii Ciidda ayaa waxaa kamid ahaa Masaajidka wayn ee Khulafaa'uraashidiin ee magaalada Diridhabe, kaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u badan, sidoo kale madax ka tirsan maamulka magaalada ayaa iyaguna dadka kula tukanayay masaajidkan.

Hadallada kooban ee ay Culimada magaalada iyo maamuulkuba kasoo jeediyeen halkaas ayaa u badnaa wacyi galinta cudurkan Covid 19. iyadoo sidoo kale dadka loosoo jeediyay inay dhexdooda is caawiyaan.

Ciidda sannadkan ayaa kusoo hagaagtay xilli dunidu la tacaalayso cudurka Covid 19, sidoo kalena ciidda sannadkan aan loo xusin sidii ciidihii hore oo kale, oo dadku intooda badan guryahooda ku ciideen.


Hiiraan Online News Desk