4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2020
Shiikh Shaakir “ Shacabka Soomaaliyeed ha u midoobaan la dagaallanka Al-shabaab”



Axad, May 24, 2020 (HOL) - Shiikh Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo ku sugan Magaalaada Nairobi ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda waddanka Soomaaliya iyo arrimaha ammaanka dalka , waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Waxa uu si gaar ah usoo qaatay deegaannada Galmudug, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ugu hayaan, waxa uuna  tilmaamay in dadka gobolkaasi ku nool ay si gaar ah u sameeyaan isku duubni iyo wada-jir.

Ahlu-sunna ayaa muddo 10 sano ah ka talinayay deegaanno badan oo kamid ah maamulka Galmudug oo ay kamid tahay caasimadda Dhuusa-mareeb, waxayna mar la bahoobeen hoggaankii maamulka Galmudug xilligii uu taladiisa hayay madaxweynahii hore ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf kadib markii ay heshiis ku gaareen magaalada DJabuti ee caasimadda Jabuuti.

Shiikh Shaakir oo hadda qurba-joog ku ah magaalada Nairobi ayaa waxa uu baaqiisan kusoo aadayaa xilli magaalada Dhuusa-mareeb aysan ka talin Ahlu-sunna, iyadoo maamulka Galmudug ay dhowr bil ka hor ay  ku dagaallameen  islamarkaana looga awood roonaaday.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online.
[email protected]