4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2020
Madaxweyne Waare oo cafis u fidiyay qaar kamid ah maxaabiista Hirshabeelle

Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa cafis u fidiyay maxaabiis kujira xabsiyada Hirshabeelle.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in cafis loo fidiyay 10 maxbuus oo ku eedeeysan dambiyo fudud. Madaxweynaha ayaa sheegay in farxada ciida aawgeed uu cafiyay maxaabiistan.

Cafiska madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xili xabsiyada Hirshabeelle aay buux-dhaafiyeen maxaabiis ku eedeeysan dambiyo kala duwan kuwaas oo qaarkood aaysan helin cadaalad. 


Hiiraan Online News Desk