4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2020
Madaxweyne Deni “ Waxaan tuhun ka qabnaa in Al-shabaab ay adeegsanayaan cid diiddan nabadda Puntland”
 
 

Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu sheegay mar uu maanta hadlayay in ay qabaan tuhun xooggan oo la xiriira in ay jiraan cid gaar ah oo Al-shabaab u adeegsaneysa dhibaateynta Maamulkaasi, iyagoo leh dano gaar ah oo ka hor imaanaya xasilloonida iyo nidaamka deegaannadaasi ka jira.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu soo hadal qaaday qoraallo ay horay u qoreen warbaahinta Caalamka qaar, oo uu shegay in ay sii daayeen xog ah in khilaafka ka jira dalalka Khaliijka ay  loolankiisa usoo weeciyeen Soomaaliya, iyaguna ka maamul ahaan ay sameynayaan baaritaan quta-dheer.

“Waxaan tuhun ka qabnaa in dad gaar ah ay adeegsanayaan Al-shabaab, iyagoo diiddan nidaamka iyo dowladnimada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu shaki geliyay beegsiga laba guddoomiye goboleed oo maamulkiisa ka tirsan muddo isku dhow, iyo dilkii guddoomiyahii Gobolka Banaadir oo dhammaantood lagu dilay qaraxyo.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntalnd ayaa kusoo aadaya xilli uu dhowaan sheegay in ay u aari doonaan guddoomiyihii gobolka Mudug oo qarax lagu dilay, waxaana qaraxaasi sheegtay Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]