4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Dowladda Soomaaliya oo dalka kusoo celisay muwaadiniin dibadda ku xayirnaa


Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Waxaa dalka Soomaaliya lagusoo celiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa illaa iyo seddex waddan kuwaasi oo uu saameeyay socdaal joojinta uu sababay xanuunka Coronavirus ee caalamka.

Wasaaradda ammuuraha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dowladdu ku dedaaleyso in muwaadiniinteeda go’doonka galay ay dhammaan dib ugu soo celiso dalka, laakiin qudhooda dadka soo laabanaya ayaa lagu amray in ay xaqiijiyaan badqabkooda si gaar ah xanuunka COVID-19.

Xoghaya joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda ay ka go’antahay soo daabulidda dadkeeda xayirmay.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa ka shaqeeyay in dalka lagusoo celiyo muwaadiniin oo ay sideen laba diyaaradood oo gaaraya 114 qof, kuwaas oo ka kala degay magaalooyinka Muqdisho iyo Garawe .

Soomaaliya waxay kamid tahay waddamada uu saameeyay xanuunka COVID-19 iyadoo dad badan uu soo ritay,  sidoo kalena uu saameyn adag oo dhaqaale uu ku yeeshay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]