4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2020
Puntland oo ka mamnuucday in Masaajidda deegaannadeeda ku yaalla lagu tukado ciidda si loo xakameeyo faafidda COVID-19
 

Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in salaadda Ciidda aan lagu tukan Karin masaajidda deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu qeexay in arrimahaasi ay uga gol leeyihiin xakameynta xanuunka COVID-19 oo kiisas kamid ah horay looga helay Puntland, wuxuuna wasiirku qeexay in shacabka ay u dhaga nuglaadaan awaamiirta lasoo saaray.

Dhinaca kale waxa uu qeexay in maalmaha ciidda kadib ay qorsheeynayaan in ay dib u furan dugsiyada Qur’aanka kariimka ah, laakiin waxa uu tilmaamay in ay jiraan sharuudo horyaalla macallimiinta oo ay kamid yihiin in 30 arday ka badan aysan waxba bari Karin.

Deegaanno kamid ah maamulkaasi ayaa horay looga diiwaan-geliyay xaalado la xiriira Coronavirus, waxaana la ogeyn sida amarkaan soo baxay uu dhaqan-geli karo maadaama bulshada Soomaaliyeed xilliyada ciidaha ay aad isugu yimaadaan Masaajidda iyo barxadaha lagu tukado.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]