4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2020
Maamulka Gobolka Banaadir oo burburiyay goobo ganacsi oo ku yaallay waddada Maka Al-mukarrama


Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Howl-galka xalay lagu burburiyay goobahaan ganacsi ee ku yaallay hareeraha waddada Maka Al-mukarama , gaar ahaan laammi yaraha Soobbe, ayaa waxa uu ahaa mid ay joogeen madaxda gobolka Banaadir,  waxay ahaayeen ganacsiyada la jajabiyay kuwa ay ku shaqeysan jireen haween danyar ah oo ku nool caasimadda dalka.

Howl-galkaan oo u muuqday mid horay loo sii qorsheeyay ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta gobolka Banaadir qaarkood, oo ay kamid tahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Basma Caamir Shakeeti, waxayna qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga  ku qeexday in howl-gal dhinaca nadaafadd xalay kasameeyeen Soobbe ay ku guuleysteen.

Goobaha ganacsiga ee la burburiyay ayaa ahaa miisas la dhigay hareeraha waddada waxaana lagu iibin jiray hilibka iyo khudaarta, laakiin lama oga in dadkii ku ganacsanayay horay digniin loo siiyay iyo in kale.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Al-waaxyadii miisaska ee la jajabiyay ku qaaday gaawiri  laakiin howl-galkii xalay ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho ay wax yeeleeyeen roobabkii maalmahii u dembeeyay da’ayay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]