4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 20, 2020
AMISOM oo ka hadashay dilka guddoomiyihii gobolka Mudug ee dhinaca Puntland
 

Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Mr. Axmed Muuse Nuur.

“Anigoo ku hadlaya magaca Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direyaa qoyskiisa iyo Puntland geeridii ku timid guddoomiyihii gobolka Mudug.

Amisom waxay marxuumka ku tilmaamtay Intii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, inuu door weyn ka qaatay bixinta adeegyada dowladda hoose ee aadka loogu baahan yahay oo ay ka mid tahay ka ilaalinta bulshada gobolka Mudug cudurka coronavirus, xasilinta iyo dadaallada dib-u-dhiska.

Axmed Muuse Nuur, ayaa todobaadkaan lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ay dambeeyeen kooxda Al-shabaab. Waxaa la geeriyooday walaalkiis Maxamed Muuse Nuur iyo saddex ilaalidiisa ah.

Dilkiisa ka hor, waxaa guddoomiyaha uu haystay digniin ku saabsanayd in lala damacsan yahay weerar qorshaysan oo lagu dilayo, kadib markii laamaha amniga Puntland iyo Galmudug oo iskaashanaya ay heleen xog amni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]