4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 20, 2020
Xasan Shiikh Maxamuud “ Dowladdu waa in ay la timaadaa cadeymo hadal dhaafsiisan oo la xiriira kiiska muranka badda”
 

Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  ka hadlay arrinta la xiriirta dacwadda badda oo markii seddexaad dib loo dhigay xalay, waxa uuna sheegay in afar sano kadib meesheedii taagantahay oo aysan jirin wax is-bedal ah oo kusoo kordhay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu soo  hadal qaaday  sababaha dowladda Soomaaliya ay u qancin la’dahay dadka , hadiiba ay diidantahay in maxkamadda dhageysigeeda dib loo dhigo, Kenyana seddex jeer codsi ka yimid la tix-geliyay.

“Maxkamadda dhageysigeeda waxaa dib loo dhigi karaa keliya markii labada waddan ogolaashiyo laga helo, haddii ay dowladda Soomaaliya diidantahay in kiiska dhageysigiisa dib loo dhigo, maxay bulshada ula wadaagi la’dahay cadeymo muuqda oo aan hadal aheyn” ayuu yiri madaxweynahii hore ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in qareennadii matalayay Soomaaliya ay ahaayeen kuwa caalamiya oo ay ku jirtay Garyaqaan Muno Sharmaan, iyadoo la sheegay in la bedalay , balse wuxuu dowladda ku dhaliilay sababaha loo sheegi la’yahay qareennada hadda ku metalaya kiiskaan.

Soomaaliya ayaa dacwadaan geysay maxkamadda ICJ xilligii uu xilka hayay  Xasan Shiikh Maxamuud , iyadoo markii seddexaad muddo 11 bilood ah dib loo dhigay xalay.

Lama oga in dowladda Soomaaliya ka jawaabi doonto hadalka madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo in kale, balse waxa uu hadalkaan sheegay xilli arrinta dacwadda badda shacabka Soomaaliyeed iyo aqoonyahannaduba ay wax badan iska weydiinayaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]