4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Shil gari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Jigjiga
 

Sabti, May 2, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maanta uu shil gaari ka dhacay halka laga soo galo magaalada Jigjiga dhinaca Wajaale, gaar ahaan meesha u dhaw kaalinta shidaalka ee TOTAL.

Shilkan gaari ayaa dhacay kaddib markii ay isku dhaceen Bas yar oo Wajaale ka yimid iyo Bajaaj, waxaana ku dhimatay 4 qof halka tiro kalena uu dhaawac soo gaaray.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan sabab looga dhigaa wadayaasha gawaarida oo xawaarihii loogu talagalay mid ka badan ku wada gawaarida, taasna ay keento inuu dhaco shil ay ku nafwaayaan dad aan waxba galabsan.

 

Hiiraan Online, News Desk