4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Muran ka dhashay xil-ka-qaadis lagu sameeyay gudoomiyaha degmada Garbahaareey



Sabti, May 2, 2020 (HOL) -Is-qabqabsiga maamul iyo muran siyaasadeedkan ayaa yimid kadib markii gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) uu shalay xil-ka-qaadis ku sameeyay masuuliyiinta maamulkii degmadaasi oo si toos ah u hoostagayay Jubbaland, islamarkaana magacaabay gudoomiyeyaal cusub.

Iimaan Cadoow Kaarshe gudoomiyihii Garbahaareey ee shalay xil-ka-qaadis uu ku sameeyay gudoomiye kuxigeenka gobolka ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay sharci darro oo uusan marna aqbali doonin xil-ka-qaadistaasi.

Masuulkan oo wareeysi siiyay HOL ayaa sheegay in xil-ka-qaadista lagu  sameeyay aysan ahayn mid loo maray waddo sharci ah oo gudoomiye kuxigeenka uusan xaq u lahayn in uu xil ka qaado gudoomiye degmo.

Cadoow Kaarshe ayaa sheegay in dastuurka Jubbaland iyo sharciga dowladaha hoose uu qorayo in xil ka qaadis iyo magacaabis ay leedahay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, taasoo ay tahay in ay ogeeysiiso madaxweynaha.

“Gudoomiye kuxigeenka waa uu ii yimid, wuxuu igu yiri amar dhanka dowladda ayaan qabaa oo waxaan doonayaa in aad xilka banneeyso, anna waxaan ku iri cidda amarka kusoo siisay warqad rasmi ah ha iiga timaado, kadibna wixii sharci darrada ahaa ee aad aragteen ayuu sameeyay” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Shalay ayay ahayd markii magaalada Garbahaareey digreeto kasoo baxday xafiiska gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobolka Gedo lagu sameeyay  xil-ka-qaadis iyo magacaabis gudoomiyaha degmada Garbahaareey iyo kuxigeennadiisa, waxaa xusid mudan in gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Garbahareey oo madasha ku sugnaa in uu warbaahinta isla goobta kula hadlay isagoo  beeninaya warqadda xilka looga qaaday, lana arkayay isaga oo si qasab ah looga hor leexinayo warbaahinta.

Go’aanka Jubbaland ee xil-ka-qaadista Gudoomiyaha

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Mudane Maxamed Warsame Darwiish oo magaalada Kismaayo warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in magacaabista iyo xil-ka-qaadista uu sameeynayo gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobolka ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga islamarkaana Jubbaland ay aqoonsantahay gudoomiyeyaashii sharciyadda heeystay ee ay magacoowday wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland.




“Waxaa la badalay gudomiyeyaashii degmooyinka oo dhan, waxaana saxiixaya oo badalaya, gudoomiye kuxigeen hore loo badalay, arrintaasina ma ahan mid dastuuri ah iyo mid sharciga waafaqsan, waxaadna moodaa inaanu cidina ka hadleeyn,”

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay xaq u leedahay in ay gobolka u magacoowdo gudoomiye  ayna hoos geyn karto wasaaradda arrimaha gudaha, balse ay lagama maarmaan tahay in loo maro sifo sharci ah oo waafaqsan dastuurka dalka.

Waxa uu xusay in Jubbaland ay aqoonsantahay gudoomiyeyaashii ay magacoowday, masuuliyiinta kale ee dib laga magacaabayna aysan aqoonsanayn aysanna sharci ahayn.

Xaalka Gobolka Gedo

Wixii ka danbeeyay markii dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland isku khilaafeen doorashadii bishii Aug, ee sanaddii hore dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxa ay dowladda Soomaaliya heshiisyo qarsoon la gashay masuuliyiin kamid ah madaxda gobolka iyo degmooyinka gobolka Gedo, kuwaa oo la faray in ay si toos ah u hoostagi doonaan dolwadda federaalka, waxaana masuuliyiintan oo in muddo ah shirar ugu maqnaa Muqdisho ay dib ugu laabteen gobolka ayagoo fulinaya amarrada dowladda.

Intaa wixii ka danbeeyay bilowgii sanadkan dowladda ayaa gobolka Gedo u dirtay ciidamo isugu jiray Boolis iyo Militari, ayadoo sidoo kale magacoowday saraakiil ciidan oo uu kamid yahay taliyaha xasilinta gobolka Gedo.

Bilowgii bishii Maarso ee sanadkan magaalada Baladxaawo ayuu dagaal culus ku dhexmaray ciidamo ka tirsanaa Jubbaland oo uu horkacayay wasiirkii amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) iyo ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmadaasi, waxaana dagaalkaasi ku gacan sareeyay ciidamadii dowladda, ayadoo ay xusid mudantahay in dagaalkaasi uu sababay qasaarooyin isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo barakac dad shacab ah.

Gobolka Gedo oo dhammaan degmooyinkiisa ay xor yihiin ayaa hadda si buuxda u hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa gabi ahaanba meesha laga saaray maamulladii Jubbaland ka tirsanaa ee ka jiray degmooyinka gobolkaasi.

Hiiraan Online News Desk,