4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku baaqay in la xaq dhowro xuquuqda Shaqaalaha



Sabti, May 2, 2020 (HOL) - Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, xilli dunidda Jimcihii shalay laga xusay maalinta shaqaalaha adduunka.

Xiriirka ayaa ku baaqay in la xaq dhowro xuquuqda Shaqaalaha ,iyadoo bayaan xiriirka ka soo baxay looga dalbaday xukuumadda iyo shaqaalaha qaybaha gaarka ah inay ilaaliyaan shaqooyinka shaqaalaha, mushaarooyinka, faa’iidooyinka shaqo iyo dakhliga, waqtigan adag ee dagaal lagula jiro fayruska faafa ee Covid-19.

"Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) iyo dumarka iyo ragga shaqeeya ee Soomaaliyawaxay cod dheer ugu qaylinayaan buur dusheeda salaam ay u dirayaan shaqaalaheenna safka hore ku jira geesinimadooda iyo isxiqaankooda aan la soo koobi Karin, ka hor, inta lagu guda jiro, iyo ka dib la dagaallanka cudurka sfmarka ah ee Coronavirus – dagaal aan ugu dambayn ka gungaari doonno, innagoo aan dank a galayn inta uu qaadanayo. Isxilqaankooda qiimaha leh ee ah in aan sii jirno marnaba lama illoobi doono."

"Xilligan hubaal la’aantu jirto shaqaalaha iyo qoysaskooda waxay u baahan yihiin inay ku tiirsanaadaan meel ay wax ka soo galaan oo ay ku xisaabtami karaan si ay u taageeri karaan guryahooda uga xigsan karaan jugta iyo saamaynta dhaqaale ee uu dhaliyey cudurku. Wixii intaas ka duwan ma aha bani’aadminimo. Inkastoo cudurku uu saameeyey dhamaanteen, haddana kala duwanaanshaheenna dhaqan-dhaqaale ayaa astaynaya sida uu qof kasta oo naga mid ah uu u dareemay xanuunka ah khatarta ka dhalatay mushkiladda Covid-19. Sidaa darted waxaan xukuumadda iyo shaqaalaha qaybaha gaarka ah ka dalbanaynaa inay muujiyaan isbarbartag dhab ah ayagoo wax ka wadaagaya qaniimada ay abuureen dumarka iyo ragga shaqeeya ee Soomaaliya." ayaa lagu yiri bayaanka Jimcihii ka soo baxay xiriirka Ururrada Shaqaalaha .

Gabagabadii, xiriirka ayaa ku baaqay in si xilkas leh dadaal loo galiyo badqabka shaqaalaha oo safka hore uga jira la-dagaallanka Covid-19.

Hiiraan Online, News Desk