3/13/2025
Today from Hiiraan Online: Puntland court jails man for assaulting Yemeni refugee child...
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo deeq caafimaad ka heshay Turkiga
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


Sabti, May 2, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegtay deeq caafimaad oo ka timid Jamhuuriyadda Turkiga,  waxaana loogu tala-galay in xaaladda caafimaad ee waddanka wax weyn looga qabto.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo wasiirka wasaaradda gargaarka iyo hortagga masiibooyinka ayaa la wareegay taakuladaasi caafimaad ee ka timid Turkiga.

Waxaa sidoo kale madashada Soomaaliya ay ku guddoomeysay agabkaasi caafimaad joogay wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya,  waxeyna dhammaantood sheegaan in qalabkaan uu yahay mid kusoo aaday waqtigii loo baahnaa.

Deeqdan maanta Soomaaliya la siiyay ayaa waxaa kamid ah mashiinnada bukaanka ka saacido neefta oo aad dalka ugu yaraa iyo dharka ay xirtaan shaqaalaha caafimaadka xilliga ay la fal-galayaan bukaannada qaba xanuunka COVID-19.

Cabdicasiis Axmed Barrow
Barrow@hiiraan.com
Hiiraan Online, Muqdisho