4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Sagaal kamid ah askarta ciidamada AMISOM oo la galiyay xaalad karantiil ah
     

Sabti, May 2, 2020 (HOL) - Sagaal xubnood oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda dalka Uganda, ayaa ku jira xaalad karantiil ah kadib markii ay noqdeen askartii ugu dhowayd ee xidhiidka la sameeyay asakri laga helay cudurka oo jooga Muqdisho.

Habeenimadii Arbacada, taliska ciiidanka difaaca Uganda ee UPDF ayaa xaqiijiyay in askar katirsan Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya AMISOM laga helay COVID-19 laguna daweynayo Muqdisho.

Sida uu sheegayo ku xigeenka Afhayeenka UPDF Lt Col Deo Akiiki, waxaa la hayaa talaabooyin lagu qaadayo saldhigyadooda si loo xakameeyo faafitaanka viruska.

Taliska AMISOM ayaa guud ahaan xiray xerada ciidamada Uganda ee uu ka howlgalayay askariga laga helay covid19 iyo kuwa hadda la karantiilay.

Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda diiwaan gelisay 601 kiis oo ah COVID-19, 28 dhimasho ah iyo 31 soo kabasho ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online