4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Human Rights watch oo ku eedeeysay dowladda federalka inay sii laba jibaartay hanjabaadooda ku aaddan suxufiyiinta
 

Sabti, May 2, 2020 (HOL) - Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa sii laba jibaaraya hanjabaadooda ku aaddan suxufiyiinta xilli dalku wajahayo tiro sii kordheysa oo kiisaska Covid-19 ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxay hay'adda udoooda ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee Human Rights watch.

Tan iyo badhtamihii Abril 2020 oo kali ah, ayay mas'uuliyiintu si aan kala sooc lahayn u xireen saddex weriye, waxay ku eedeeyeen laba dambi oo kaladuwan, waxayna ka mamnuuceen xarun raadiye maxalli ah inay wax ku baahiso lahjadeeda maxalliga ah.

Laga soo bilaabo Abriil 30, Soomaaliya waxa ay xaqiijisay 601 kiis oo ah "Covid-19" iyo 28 dhimasho ah. Dalka waxaa sidoo kale loo qorsheeyay in la qabto doorashooyinka guud dabayaaqada 2020 ama horraanta 2021, laga yaabee inay tahay doorashadii ugu horreysay ee waddanku yeesho muddo 50 sano ah.

“Mas'uuliyiinta Soomaaliya waa in ay u isticmaalaan Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka, Maajo 3, 2020, sida ay uga go'antahay soo afjaridda xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta,” ayaa lagu yidhi warbixinta Human rights watch.

Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa yidhi " Saxaafad madax banaan oo laga ilaaliyo xadgudubka ayaa fure u ah in la hubiyo in Soomaalidu ay heystaan macluumaad ay ku gaaraan go'aanno xog-ogaal ah inta lagu jiro masiibada".

20-kii Abriil, magaalada baydhabo, mas'uuliyiintu waxay xireen weriyaha VOA, Mukhtaar Maxamed Atosh, waxayna hayeen laba habeen ka hor intaanan la sii deyn.

Mukhtaar wuxuu u sheegay Human Rights Watch in booliiska gobolka ay su’aalo ka weydiiyeen sheeko la xiriirta bishii Abriil 19-keedii ee la soo sheegay in uu ka warbixiyay kufsi loo geystey seddex haween ah oo ka dhacay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo iyo geerida mid ka mid ah dhaawaceeda.

14-kii Abriil, booliisku waxay uga yeereen Cabdicasiis Axmed Gurbiye, oo ah tifatiraha guud iyo ku-xigeenka agaasimaha Goobjoog Media Group, saldhig booliis oo ku yaal magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku yaallay amar lagu soo xirayo. Tani waxay daba socota laba qoraal oo boggisa Facebook-ga uu soo dhigay oo lagu dhaleeceeyay jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay xiisadda Covid-19 iyo in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” uu qaatay mid ka mid ah hawo-mareenada dhowaan lagu deeqay isbitaal ku yaal Muqdisho.

2-dii Abriil, Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISA) ayaa bartooda Twitter-ka ku soo qortay inay baarayaan Harun Maruf oo ka tirsan VOA, oo ah suxufi caan ah oo Mareykan ah, oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal ka baxsan xeerka anshaxa saxaafadda.

Sida laga soo xigtay ururada saxafiyiinta Soomaaliyeed, maamulka ayaa xirey wariye Maxamed Abidwahab Nuur oo loo yaqaan Abuja 7-dii Maarso, waxayna ku hayeen illaa Abriil 22, ka dib markii ururada saxafiyiinta ay ka mudaaharaadeen xarigiisa, Wasaaradda Warfaafinta waxay ku dhawaaqday in ay xireen hay'adaha amniga isla markaana uu ku eedeeysan yahay Alshabaabnimo iyo inuu ka qeyb qaatay dilka haweenay.

Human Rights Watch waxay warqad u qortay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud bishii Abriil 28 iyagoo weydiisanaya faahfaahinta xaaladda baaritaannada lagu sameeyay Cabdicasiis, Harun, iyo Maxamed Abuja laakiin jawaab kama helin.

Bishii Abriil 24keedii, booliisku waxay qabteen muddo kooban Farxaan Maxamed Xussein, oo ah wariye u shaqeeya Radio Kulmiye. Waxay u xireen Farhan wax yar ka dib markii uu yimid goob ciidamadu ku toogteen labo shacab ah, waxayna u kaxeysteen saldhiga booliska degmada Boondheere, halkaas oo lagu qasbay inuu tiro sawirro iyo cod, ka dibna ay siidaayaan.

20-kii Abriil, magaalada xeebta ah ee Baraawe, Guddoomiyaha Degmada Cumar Sheekh Cabdi wuxuu amar ku siiyay idaacad gaar loo leeyahay, Radio Barawe, inay joojiso barnaamijyada idaacadda ee ku baxa lahjadda Barwaniga. Amarkan wuxuu daba socdaa 17-kii Abriil oo laga sii daayay telefishanka Universal TV barnaamij ka baxa Radio Barawe. Maamulaha xarunta ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada uu yimid saldhiga 8:30 p.m. iyagoo wata ilaalo hubaysan amarna ku siiyay inuu joojiyo baahinta. Kadib qaylo dhaan ballaaran oo bulshada ka timid iyo bayaan ka soo baxay gudoomiyaha gobolka, idaacadda ayaa u suuragashay inay dib u bilawdo barnaamijkeedii Barwani dabayaaqadii Abriil 21.

Hay'adda Amnesty International ayaa ku warrantay in dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ay si joogto ah ugu hanjabto, dhibaateyso, isla markaana ay faragalin ku sameyso baraha warbaahinta bulshada kuwaas oo dhajiya faallooyinka muhiimka ah.

"Xukuumadda Soomaaliya waa in ay hubisaa in shacabka la wargaliyo iyo in dadka loo ogolyahay in ay soo bandhigaan aragtidooda, oo ay kujirto in ay dhalleeceyso jawaabta ay dowladdu ka bixisay Covid-19", ayay tiri Human Rights Watch.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online