4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Safiirka Soomaaliya ee Kenya “Warbixintii Citizen ay sii daayeen waa mid aan sal iyo raad laheyn”
 

Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxa uu ka jawaabay warbixin uu sii daayay Telefashinka Citizen ee fadhigiisu yahay Nairobi  oo sheegay in safaaradda Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii .

Warbixinta ayaa tilmaantay in ujeedka heshiiska loola galay xaruntaasi caafimaad  tahay in ay baarto dadka la doonayo in lagu celiyo Soomaaliya in ay qabaan xanuunka COVID-19  iyo in kale.

Safiir Tarsan oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in haba-yaraatee uusan jirin heshiis ka safaarad ahaan ay la galeen Cisbitaal ku yaalla Nairobi, warkaasina uu yahay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

“Marka hore, safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la geli karto” ayuu ku sheegay safiirka wareysigiisa.

Telefashinka Citizen ayaa sidoo kale soo bandhigay warqado dad uu ku sheegay in laga helay xanuunka iyo dhowr qof oo dhismaha cisbitaalka sii fuulayo, walow aan la xaqiijin Karin in ay ahaayeen kuwa usii socday xarunta caafimaad iyo in ay ahaayeen kuwa dhismahan oo ganacsiyo ballaaran ay ku yaallaan dano kale kalahaa.

“Dowladda Kenya ayaa bixisay sharuud ah in qofkii dalka ka baxayo uusan qabin Coronavirus, annagana waa muhiim in dadkeenna xayiran aan dalkii ku celinno  dowladda Kenya iyo innaguna waan isku waafaqnay” ayuu mar kale wareysigiisa ku sheegay safiir Tarsan.

Dhinaca kale Dr Axmed Kalebi oo ka tirsan Cisbitaalka uu Telefashinka Citizen sheegay in uu heshiiska la galay safaaradda Soomaaliya ayaa arrintaasi uga hadlay bartiisa twitter-ka , isagoo sida warbixinta loo dhigay, si ka duwan uga hadlay dhabta sheekadaasi tahay.

“Ma jiro baaritaan sir ah oo aan sameynay annaga iyo safaaradda Soomaaliya, safaarado  dhowr ah iyo shirkado sameeyo duulimaad ayaa rakaabkooda  baaro mar kastana waa lala wadaagaa wasaaradda caafimaadka natiijooyinka guud ahaan” ayuu ku yiri qoraalkiisa Dr Axmed Kalebi.

Warbixinta Telefashinka Citizen oo ka tirsan xarunta warbaahinta ee Royal Media Service ayaa waxay u muuqatay mid dhinac keliya ka raran, iyadoo xogta ay soo gudbiyeen aysan ka dhex muuqan cid ka hadashay dhinaca sheekada laga sameeyay, lamana sheegin in loo ogolaaday fursad ay ku hadlaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]