4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wararkiisa laga mamnuucay in lagu faafiyo warbaahinta ku hadasha afka Puntland
 

Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida PuntlandTv iyo barta internetka.

Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyada.

Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur.

Masuuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay arintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sareeya Puntland.

Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horeysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan labo warfaafineed.

Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka masuuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin.

Hiiraan Online News Desk