4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2020
Reer Baladweyne oo gurmad lacageed gaarsiiyay guddiga gurmadka Qardho


Jimco, May 15, 2020 (HOL) - Dhalinyaro ka timid Magaalada Beledwayne ayaa Gudigga Gurmadka Qardho ku wareejiyay 40kun oo Dollar oo ay ugu talagaleen in ay kaga qayb-qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ay dhibaateeyeen daadakii Qardho.

Dhalinyaradaan ayaa dhaqaalahaan ka aruriyay shacabka magaalada Baladweyne, iyagoo ka damqanayay dhibaatada ku dhacday walaalahooda reer Qardho, maadaama mar walba oo musiibo ka dhacdo meel kamid ah Soomaaliya dadka Soomaaliyeed iskusoo gurmadaan.

Guddiga gurmadka ayaa si weyn ugu mahad celiyay shacabka reer Baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ee u istaagay inay dareenka la qeyb sadaan walaalahooda reer Qardho ee musiibadu ku dhacday.

Xildhibaan Axmed Daad Jaamac oo katirsan guddiga gurmadka Qardho ayaa yidhi ''Runtii reer Beled-wayne masaafo dheer bay soo jareen, ma ilaawi doono, iskaashi kale oo Soomaalida ka gaar ah baa naga dhaxeeya''

“Reer Baladweyne iyagoo ku jira xaalad adag oo webigii kusoo fatahay magaaladoodii inay usoo degdegaan gurmadka walaalahooda reer Qardho waxay muujinaysaa ehelnimada iyo walaalnimada ka dhexaysa dadka Soomaaliyeed "

Reer Puntland ayaa sannadkii hore ee 2019 Baladweyne gaarsiiyay gurmadyadii ugu xoogga badnaa kadib markii magaalada Baladweyne uu webiga kusoo fatahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]