4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2020
Raashin waqtigiisu dhacay oo lagu gubey magaalada Laascaanood
 

Khamiis, May 14, 2020 (HOL) - Raashinkan oo lagu qabtay qaar ka mid ah ganacsato dhogor-dhaantay waqtiga uu ku ekaa isticmaalkiisa ayaa waaxda faya-dhawrka degmada Laascaanood ay ku soo bandhigeen xarunta dawlada Hoose.

Raashinkan oo u badnaa Daqiiq ama Bur nooca Cumaan ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta fayo-dhowrka laga bedeley kiishashkii uu ku jirey si dadka looga iibiyo, waxaanay sheegeen laba ruux oo lagu soo qabtay in ay u gudbiyeen maxkamada ayna xukun suge yihiin.

Masuuliyiinta dawlada Hoose oo u horeeyo gudoomiyaha degmada Cabdicasiis Xuseen Xasan ayaa baabiinta agabkaasi la hadlay bulshada iyagoo u sheegay in si kasta oo loo waxyeelayn karo loo waxyeeleeyo bulshada balse bulshada looga baahan yahay inay soo sheegaan wixii ay ogaadaan ama ka shakiyaan.

Si kastaba ha ahaatee waaxda fayadhawrka dawlada Hoose ee degmada Laascaanood ayaa ah mid aan si toos ah uga muuqan suuqyada iyo goobaha shaqadoodu inta badan looga baahan yahay waxaasi talaabada ay mar dhaqaajiyaan hakisaa wax badan oo dadka lagu dhibaatayn lahaa.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood