4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2020
Guddi kasocda Beledweyne oo gargaar gaarsiiyay magaalada Qardho


Khamiis, May 14, 2020 (HOL) - Guddigan oo ka kooban qeybaha bulshada magaalada Beledweyne ayaa gaaray magaalada Qardho oo aay saameeyn ku yeesheen roobab dhawaan ka da’ay. Guddiga oo maalmihii lasoo dhaafay waday olole lagu caawinayo dadka Qardho ayaa maalin kahor ka ambabaxay magaalada Beledweyne.

Maamulka iyo dhalinyarada magaalada Qardho ayaa soo dhaweeyay gudiga ka yimid Beledweyne, gudigan ayaa wada lacago gargaar ah oo laga soo aruuriyay shacabka magaalada Beledweyne, waxaana lagaarsiin doonaa dadkii aay saameeyeen roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle Maxamed Cabdullahi Buraale oo kamid ah guddiga ayaa HOL u sheegay in dhawaan aay wareejin doonaan lacagaha gargaarka ah, waxaa kale oo uu sheegay in dadka ku nool magaalada Qardho aay aad usoo dhaweeyeen.

Dadka magaalada Qardho ayaa saameeyn xoogan kala kulmay roobab halkaas ka da’ay, waxaana ka dhashay qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed. Beledweyne ayaa kamid ah magaalooyinka gurmadka looga sameeyay dadka Qardho.

Hiiraan Online News Disk