4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Ciidamada nabad sugida Puntland oo fashiliyay qaraxyo Daacish ku diyaariyeen Bosaso


Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada nabad sugida Puntland ee PSF galabtay ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso.

Qaraxyadan ciidamada PSF fashiliyeen ayaa ka koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada PSF waxaa kale oo ay hawlgalkan galabta ku soo qabteen 3 maxbuus oo lagu sheegay dadkii qaraxyadaas maleegayey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]