Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Rag ku eedeysnaa dilka taliyahii ciidamada Gorgor oo xukun lagu riday
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa waxay maanta xukun ku ridday afar ruux oo loo haaystay in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay taliyihii ciidamada Gorgor Maxaadeey Saleebaan Eebakar oo ku dhintay rasaas ay ku fureen ilaalada Hotel-ka Maa’idda Ex- Naasa hablood ee magaalada Muqdisho 18-kii –October-2019.
Afarta ruux ee la xakumay oo dhammaantood joogay maxkamadda, waxaana laba kamid ah lagu riday xukun ah dil toogasho, halka laba kalena lagu xukumay shan sano oo ah xabsi ciidan.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay baaritaan dheer kadib, dhageysiga doodda dacwad oogayaasha iyo garyaqaannada dhinaca kale difaacayay oo ay wehliyaan marag furka marqaatiyaal maxkamadda hor yimid, kadib ay qaateen go’aanka maxkamadda oo ah.
In eedeysanayaashii kala ahaa dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim ay ku heleen dambiga ah dilka taliyihii Gorgor iyo shakhsi kale oo isla goobta kula dhintay , sidaas darteedna ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho halka labadii eedeysane ee kale ay Maxkamadda ku ridday xukun ah shan sano oo xabsi ciidan ah.
Dhinaca kale waxa uu guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga uu sheegay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaas in uu u furanyahay racfaan.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]
Sarkaal ka tirsanaa Jubbaland oo sheegay in hoygiisa lagu soo weeraray
5/13/2020 2:08 PM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Gen Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo ahaa la taliyaha madaxweynaha Jubbaland ee dhinaca amniga mudooyinkii u danbeeyay kamid ahaa siyaasiyiinta ay Madaxweynaha ku kala aragti duwanyihiin siyaasadda Jubbaland ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay uga hadlay weerar uu sheegay in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland kusoo qaadeen hoygiisa, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay in ciidankaasi uu soo diray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Ciidamada nabad sugida Puntland oo fashiliyay qaraxyo Daacish ku diyaariyeen Bosaso
5/13/2020 2:02 PM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada nabad sugida Puntland ee PSF galabtay ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso.
Dadkii ka barakacay fatahaada Beledweyne oo wajahaya xaalad caafimaad xumo
5/13/2020 8:43 AM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Kumanaan qoys oo aay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle ayaa u barakacay daafaha magaalada Beledweyne, waxaana lasheegayaa in dadkaasi aay wajahayaan xaalado adag oo dhinaca caafimaadka ah.
Midowga Afrika oo codsaday in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waqtiga loo kordhiyo
5/13/2020 8:35 AM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in hal sano oo dheeraad ah loogu daro joogitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
Mas labo carruur oo walaalo ah ku dilay dhul miyi ah oo katirsan gobolka Sanaag
5/13/2020 6:59 AM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Labo carruur ah oo da’doodu ka hooseyso 10 jir ayaa u geeriyooday qaniinyo kasoo gaartay Mas nuuca loo yaqaano gugumada, waxayna ku sugnaayeen dhul miyi ah oo hoos yimaada degaanka Xingalool ee gobolka Sanaag.
Xisbiyada mucaaradka Italy oo dhaleeceeyay lacago madax furasho ah oo dowladda Talyaanigu siisay Al-shabaab
5/13/2020 6:32 AM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Dowladda Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa inay siisay inta u dhexeysa 1.5 milyan iyo 4 milyan oo Yuuro kooxda al-Shabaab, lacagtaas oo lagusii daayay Silvia Romano oo Alshabaab afduub u haysteen muddo 18 bilood ah.
Amiirka Dubai oo amray in si degdeg ah Soomaaliya loogu diro kaalmo ka caawisa covid19 iyo fatahaadaha
5/13/2020 12:33 AM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne kuxigeenka, raiisel wasaaraha iyo amiirka Dubia, ayaa amar ku bixiyay duulimaad gargaar ah oo lagu taageerayo gaarsiinta qalabka hawo-mareenka iyo alaabada kale ee muhiimka ah oo lasiinayo Soomaaliya.
Maraykanka oo duqayn ku dilay la-Taliyihii gaarka ahaa ee Amiirka Al-Shabaab
5/13/2020 12:31 AM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Laba sarkaal oo ka tirsan al-Shabaab ayaa ka mid ah dhowr qof oo lagu dilay markii diyaaradaha Mareykanka ay ku bartilmaameesadeen Jamaame iyo Haway oo katirsan Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, Isniintii.
Al-shabaab oo shaaciyay inay madax furasho ka qaateen sii daynta haweeney u dhalatay Italy.
5/13/2020 12:21 AM EST
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Afhayeenka al-Shabaab Cali dheere oo waraysi khadka taleefanka siiyay wargeyska Talyaaniga, La Repubblica ayaa u sheegay in kooxdu madax furasho ka qaadatay sii daynta haweenay samafal ahayd oo u dhalatay dalka Talyaaniga.
Somali News
AU Security Council proposes one year extension for AMISOM
-
HOL
5/13/2020 5:11 AM EST
ADDIS ABABA (HOL) - The African Union has proposed a one-year term extension for its continental military force in Somalia.
Freed Italian aid worker target of hate campaign after conversion
-
AlJazeera
5/13/2020 3:38 AM EST
An Italian aid worker has become the focus of a far-right hate campaign after returning home this weekend having been freed from 18 months of captivity by al-Shabab in Somalia.
Somalia to launch Oil Licensing Rounds in August
-
HOL
5/13/2020 3:30 AM EST
NAIROBI (HOL) - Somalia will launch its offshore licensing rounds in August putting on sale seven oil blocks as the Horn of Africa nation seeks to exploit its vast oil resources.
AfDB approves additional $3.2 million funding for geothermal project in Djibouti
-
AfDB
5/13/2020 2:15 AM EST
In a release this weekend, the African Development Bank announced that its Board of Directors approved, on January 15, additional funding of USD 3.22 million for the geothermal exploitation project in the Lake Assal region of Djibouti.
Turkey says UAE spreading chaos in Middle East
-
Reuters
5/13/2020 12:42 AM EST
ISTANBUL (Reuters) - Turkey accused the United Arab Emirates on Tuesday of bringing chaos to the Middle East through its interventions in Libya and Yemen, allegations which are likely to inflame tensions between the regional rivals.
Saudi Arabia to enforce nationwide 24-hour curfew for Eid holiday
-
Reuters
5/13/2020 12:38 AM EST
RIYADH (Reuters) - Saudi Arabia will enforce a countrywide 24-hour curfew during the five-day Muslim Eid al-Fitr holiday later this month to help stem the spread of the coronavirus, the interior ministry said on Tuesday.
Ethiopian minister lauds Turkey for rapid response
-
AA
5/13/2020 12:35 AM EST
Turkish firm Yapi Merkezi donates dry food to flood victims in eastern Somali national regional state
East Boston’s Tawakal Halal Café has earned national recognition; now it’s depending on the neighborhood to survive
-
Boston Globe
5/13/2020 12:27 AM EST
Like so many entrepreneurs throughout the city, Yahya Noor, 36, works out of a microscopic space alongside his family. East Boston’s Tawakal Halal Café — hailed by the Globe and by Bon Appétit as one of the best restaurants in the country — serves Somali food in the shadow of Logan Airport:
Coronavirus: Dubai sends 35 tons of aid to Somalia
-
Gulf News
5/13/2020 12:17 AM EST
Relief to help fight flooding and COVID-19 combat efforts in Somalia
Somalia offers seven offshore blocks in first ever licensing round
-
S&P Global
5/13/2020 12:09 AM EST
London — War-torn Somalia launched its first ever licensing round Tuesday, offering seven of its offshore oil blocks, as it seeks to rekindle its quest for oil.