4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Dadkii ka barakacay fatahaada Beledweyne oo wajahaya xaalad caafimaad xumo


Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Kumanaan qoys oo aay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle ayaa u barakacay daafaha magaalada Beledweyne, waxaana lasheegayaa in dadkaasi aay wajahayaan xaalado adag oo dhinaca caafimaadka ah.

Dhaqaatiirta magaalada Beledweyne oo kormeer ku sameeyay deegaanka Ceeljaale oo aay ku barakaceen dadka ugu badan ee magaalada ayaa sheegay inaay ka walaacsanyihiin xaalada caafimaad ee dadka.

DR. Abshir Xaanshi Weheliye oo kamid ah dhaqaatiirta Beledweyne ayaa HOL u sheegay in halista ugu weeyn aay tahay qaabka aay dadku u dageen oo ah kuwa aad isugu dhaw, waxaana uu sheegay in aay halis caafimaad ka dhalan karto.

“Xiligan waxaa aad looga cabsanayaa cudurka Covid19, dadka aan aragnay waxaay u dageen qaab aan wanaagsaneeyn, aad ayaay isugu dhawyihiin waxaana ka dhalan kara cuduro. Waxaan si degdeg ah u bilaabeeynaa inaan bixino adeeg caafimaad oo bilaash ah, waxaan codsaneeynaa in shacabka gargaar loo fidiyo maadaama aay jirto baahi badan”. DR. Abshir Xaanshi.

Maamulka, hay’adaha  iyo gudiga gurmadka ayaa indhaha ka qabsanaya dhibaatooyinka haysta dadka ka barakacay fatahaada wabiga shabeelle. Dadka ayaa aad uga cabanaya hooy la’aan iyo biyo nadiif ah oo aanan ka jirin deegaanada aay u barakaceen.

Fatahaada wabiga ayaa harqisay xaafadaha magaalada, waxaana jira meelo kooban oo aaysan biyuhu galin. Sidoo kale waxaa jira dad ku go’doomay xaafadaha qaar ee Beledweyne.

Hiiraan Online news disk