4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Mas labo carruur oo walaalo ah ku dilay dhul miyi ah oo katirsan gobolka Sanaag
 

Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Labo carruur ah oo da’doodu ka hooseyso 10 jir ayaa u geeriyooday qaniinyo kasoo gaartay Mas nuuca loo yaqaano gugumada, waxayna ku sugnaayeen dhul miyi ah oo hoos yimaada degaanka Xingalool ee gobolka Sanaag.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Xingalool Yuusuf Faarax Siciid, labadaan carruur ayaa bahalku ku helay iyagoo hurdo meel aan ka fogayn aqalkooda, waxaana uu sheegay inaan magaalada lalasoo gaarin iyagoo nool.

Dadka degaanka oo dabagal ku sameeyay raadka bahalka, ayaa ku guulaystay inay markii dambe helaan oo dilaan bahalka, iyagoo isticmaalayay Ullo iyo dhegxaan.

Labada carruurta ah ayaa maanta lagu aasay Xingalool.

Waa markii ugu horeysay dhacdo nuucaan ah ay ka dhacdo degaankaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]