4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Amiirka Dubai oo amray in si degdeg ah Soomaaliya loogu diro kaalmo ka caawisa covid19 iyo fatahaadaha
 

Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne kuxigeenka, raiisel wasaaraha iyo amiirka Dubia, ayaa amar ku bixiyay duulimaad gargaar ah oo lagu taageerayo gaarsiinta qalabka hawo-mareenka iyo alaabada kale ee muhiimka ah oo lasiinayo Soomaaliya.

Qalabkaan gargaar ayaa qayb ka ah ka jawaabida dagaalka COVID-19 iyo dadaallada gurmadka fatahaadda.

Hay’adda International Humanitarian City (IHC) oo loo wakiishay inay gargaarkaan gaarsiiso Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dejiso in ka badan 35 tan oo ah qalabka badbaadinta nolosha iyada oo la raacayo tilmaamaha Sheikh Mohammed bin Rashiid si loogu caawiyo kuwa ugu baahi badan xilligan adag.

“Ilaa bilowgii sanadkan, in kabadan 200,000 oo Soomaali ah ayaa ku bara kacay gudaha ama ha ahaadeen musiibooyin la xiriira cimilada iyo iskahorimaadka. Waxaan ka baqeynaa in xaaladaha degdegga ah oo ay weheliso faafitaanka COVID-19 ay u horseedi doonto cawaaqib xumo, ilaa aysan jirin jawaab adag oo isku duuban oo ka socota bulshada caalamka iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha bina-aadamnimada, ayuu yidhi, Nadia Jbor, Madaxa Xafiiska UNHCR ee UAE.

UNHCR ayaa loo wakiishay inay dirto diyaarado iyo shixnado badda ah oo gargaar deg deg ah oo ay ka mid yihiin qalabka nadaafada iyo agabka hoyga si loogu caawiyo kumanaanka barakacayaasha ah ee Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaaduhu.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]