4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Maraykanka oo duqayn ku dilay la-Taliyihii gaarka ahaa ee Amiirka Al-Shabaab
 

Arbaco, May 13, 2020 (HOL) -  Laba sarkaal oo ka tirsan al-Shabaab ayaa ka mid ah dhowr qof oo lagu dilay markii diyaaradaha Mareykanka ay ku bartilmaameesadeen Jamaame iyo Haway oo katirsan Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, Isniintii.

Sida laga soo xigtay ilo dhinaca amniga ah, weerar cirka ah ayaa lala beegsaday kulan ay kooxda ku qaadanayeen xero tababar oo ku taal magaalada Jamaame.

“Mintidiintu waxay soo gabagabeeyeen tababar ay u diyaarinayeen cutub dagaalyahanno ah oo weeraraya Bar Sanguni oo u dhow Kismaayo," ilo-wareedka amniga ayaa u sheegay warbaahinta dibada.

Saraakiisha la dilay waxaa kamid ah sarkaal heer dhexe iyo xubin katirsan golaha fulinta ee kooxda oo loo yaqaanay Yusuf.

Duqayn kale oo ka dhacday tuulada Haway ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa lagu bar tilmaameedsaday xero kale oo ay mintidiintu iskugu soo uruureen maalintii Isniinta ee todobaadkaan.

Ilo maxalli ah iyo saraakiil amni ayaa sheegay in Mustaf Ato oo ahaa lataliyaha gaarka ah ee Amiirka al-Shabaab lagu dilay duqeyntaas.

Ma jiraan wax xaqiijin ah oo ka soo baxay al-Shabaab, sidoo kale warbaahintooda ma aysan qorin labadaas duqeyn maalintii Isniinta.

Howlgallada Maraykanka ee ka dhanka ah Al-shabab ayaan u joogsan baaq kasoo baxay Qaramada Midoobay oo tilmaamayay xabbad joojin, si awooda caalamka isugu geeyo la dagaalanka safmarka Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]