4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Ururka Jaamcadaha Soomaaliyeed oo lacag ugu deeqay gurmadka fatahaadda magaalada Beledweyne


Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay lacag ay iska soo uruuriyeen Jaamacadaha dalka taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska ka barakacay daadadka iyo fatahaadda xooggan ee ku dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha jaamacadda Simad ahna guddoomiyaha ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed Daahir Xasan Carab oo ay wehliyaan qaar kamid ah guddoomiyayaasha jaamacadaha dalka ayaa waxay lacag cadad ahaan gaareysa soddon iyo laba kun oo doollar ($32,000) ku wareejiyay ku-simaha wasiirka waxbarashada ahna wasiiru dowlaha wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Jaabiri.

Lacagtaan maanta ay bixiyeen  ururka jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa in dhowaan la gaarsiiyo shacabka ku barakacay magaalada Beledweyne, kuwaas oo caawa badi ah bannaan yaal ku hoyanaya duleedka magaaladaasi, gaar ahaa deegaanka Ceel-jaalle .

Wararka ugu dembeeyay ee ka immaanaya Beledweyne ayaa waxay sheegayaan in boqollaal qoys ay ka carareen guryahooda, kadib markii xaafaha Kooshin iyo Xaawa-taako ay biyaha buuxiyeen, sidoo kalena ay jareen waddooyin hal-bowle u ah isu-socodka magaalada.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho