4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Suudaan oo ku gacan seyrtay codsi ku saabsan arrinta wabiga Nile oo uga yimid Itoobiya
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan ayaa ku gacan seyray soo jeedin uga timid waddanka Itoobiya oo ah inuu la saxiixdo heshiis hor u dhac ah oo ku saabsan biya xireenka muranka badan dhaliyay oo ay xukuumadda Adis-ababa dooneyso in ay ka sameyso wabiga Nile .

Abdalle Hamdok ayaa sheegay sababo farsamo iyo mid sharciba in dalkiisa uusan hadda ku dhaqaaqi Karin tallaabadaasi ah codsiga kaga yimid Itoobiya

Waddamada Masar iyo Suudaan ayaa waxay walaac xoog leh waxay  ka qabaan biya xireenka laga sameynayo galbeedka waddanka Itoobiya, kaas oo suuragal ka dhigi kara in ay  hoos u dhacaan biyaha wabiga Nile oo uu dhaqaalahooda ku tiirsanyahay.

Itoobiya waxay naawileysaa in hadda ay dib u billowdo biyo xireenkaasi , iyadoo uu qorshaheedu yahay in bisha July ay soo saarto quwadda tamarta korontada oo ay damacsantahay in ay uga faa’ideysato.

Dhowr kulan oo seddex geesood ah oo ay madaxda waddamadaasi yeesheen ayeysan kasoo bixin wax mira dhal ah. Laakiin Itoobiya waxay hadda ku adkeysaneysaa in ay dib u billaabeyso howl-galka biyo xireenkaasi , xitaa haddii aan la gaarin wax heshiis ah

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho