4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Soomaaliya oo laga diiwaan-geliyay kiisaskii ugu badnaa oo ah COVID-19, maalin qura
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay maanta shaacisay in dalka laga helay kiisaskii ugu badnaa ee maalin qura la diiwaan-geliyo oo ah bukaanno cusub oo qaaday xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Warbixin maalinlale  ah oo ay sii daayso wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in laga helay waddanka maanta oo keliya 81 xaalad oo cusub oo lagasoo weriyay dhowr maamul oo hoostaga dowladda faderaalka ah iyo Somaliland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in kiisaskaan cusub laga helay Muqdisho, Hirshabeelle, Jubaland , Puntalnd iyo Somaliland.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay 44 xaalad oo cusub, halka Jubaland laga xaqiijiyay 24 kiis,  Puntland ayaa lagasoo sheegay 6 qof oo ah bukaan cusub, Hirshabeelle ayaa lagu arkay 2 xaalad , iyadoo Somaliland-na lagasoo weriyay 5 kiis .

Xanuunkan ayaa aad hadda ugu fidayo Soomaaliya, waxaana wadarta guud ee dadka qaaday ay gaarayaan 1170 ruux, sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho