4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Galmudug oo loo magacaabay taliye boolis oo cusub
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada booliska Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa waxa uu taliye boolis u magacaabay Maamulka Galmudug, oo maalmihii lasoo dhaafay saraakiisha sare ee booliska maamulkaasi is eedeynayeen, islamarkaana uu jiray khilaaf sababay inuu isku casilo xilikii taliyahii saldhigga magaalada Dhuusa-mareeb oo Caasimad u ah Galmudug.

Taliye Xijaar ayaa waxa uu xilka taliyaha booliska Galmudug u magacaabay Janaraal Bishaar Abshir Geeddi oo horay xilal kala duwan ugasoo qabtay booliska Soomaaliyeed.

Janaraal Bishaar Abshir ayaa horay usoo noqday taliyahii qeybta booliska Gobolka Banaadir,  taliyaha dembi baarista CID-da iyo jagooyin kala duwan.

Waana sargaal ay shaqadiisa aad uga dhex-muuqatay booliska Soomaaliyeed sanadihii dembe.

Magacaabistiisa waxay imaaneysaa xilli saraakiisha sare ee boolisa Galmudug qaarkood uu u dhexeeyo khilaafaad sababay in xubno sare ay shaqadii ay hayeen iska casilaan, waxaana la eegayaa sida shaqada dhinaca ammaanka iyo tan khilaafka saraakiisha  uu ugu guuleysan lahaa inuu xalliyo

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho