4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Salvia Romano “Waxaan qaatay diinta Islaamka iyadoo aan la I qasbin”
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Salvia Constanza Romano oo dhowaan ciidamada Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga ay kasoo daayeen gacanta ururka Al-shabaab oo Af-duub ahaan ugu haaystay meel ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay si rasmi ah u sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka , iyadoo taas ay ku dhacday rabitaankeeda oo aysan jirin cid ku qasabtay.

Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay qortay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Romanu oo 25 jir ah ayaa laga qafaashay deegaanka lagu magacaabo Chakama oo ku yaalla Koonfur bari gobolka xeebta kulaala ee Kenya bishii November sanadkii 2018-kii, waxaana lasoo badbaadiyay Axaddii lasoo dhaafay, iyadoo lagusoo furtay sida la sheegay howl-gal ay wadajir isaga kaashadeen ciidamada Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga

“Waxey ii xaqiijiyeen in aan la I dili doonin, xaalkuna sidaas ayuu ahaa “ ayeey Romano u sheegtay wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Salvia Romano oo sii hadleysay ayaa waxay sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka intii ay Af-duubka u aheyd ururka Al-shabaab, balse aysan la kulmin wax dhibaato ah.

 “dhowr goor ayaa la iisoo jeediyay qaadashada diinta Islaamka, la iguma qasbin, bilihii dembe Ayaan qaatay, waxay I bareen Qur’aanka weyna ku mahadsanyihiin sidii wanaagsaneyd oo ay iila dhaqmeen, waxay I bareen wax kamid ah Carabiga, iyo dhaqanka Islaamka, sidoo kalena ma jirin cid aan xiriir wadaagnay amma I guursaday, keliya xushmad Ayaan haaystay” ayeey mar kale u sheegtay Salvia Warbaahinta .

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay marka laga yimaado ciidamada Soomaaliya in soo furashada Salvia Romano ay garab ku siiyeen sirdoonka waddanka Turkiga, isagoo aad ugu mahad-celiyay.

Hadalka kasoo baxay gabadhan dhowaan lagasoo badbaadiyay gacanta Al-shabaab ayaa wuxuu sii xoojinayaa qoraal iyada ku saabsan oo ay horay u qoreen wargeysyada Talyaaniga oo sheegayay in laga shaki qabo in Romano ay qaadatay diinta Islaamka , iyagoo markaasi wax ka qorayay hab labiskeeda oo ahaa kan ay xirtaan dumarka Muslimiinta ah . hase-ahaatee, hadda ayeey si rasmi ah u sheegtay in ay tahay gabar muslimad ah.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Oline, Muqdisho