4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Tiradii ugu badnayd ee Bukaan jiifka xaaladaha adag ee COVID19 ka bogsooday ayaa ka baxay Isbitaal Martiini
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Maamulka Isbitaalka u gaarka ah la tacaalidda safmarka COVID19 ee Martiini ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo isbitaalka ay ka soo baxeen. 34 kamid ah ayaa lab ahaa halka 8da kale ay dhidig ahaayeen.

Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, kadibna lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsiga. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sare loo qaaday adeegga caafimaad ee Isbitaalka laguna soo kordhiyay agab casri ah.

Baadi Duqoow Macallin oo muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd, dhaqaatiirta ayaana u oggolaaday inuu gurigiisa isku karantiilo, waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiinin sababo la xiriiro cabsi laga qabay inuusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay arrin kaa ka duwan.

“Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow.

Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adag ee neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladdoodana ay dhaqaatiirtu la socon doonaan.

Dahabo Xasan oo isbitaalka la keenay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay inaan isbitaalka Martiini la geynin, balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID19 ayey ula soo carareen.

“Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka ley keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaaheey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo Xasan.

Isbitaalka oo lagu sameeyay horumarin ballaaran waxaa ka howl gala dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal isu bedela shaqada oo xilli kasta heegan u ah inay adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin siiyaan dadka xanuunku soo rito ee isbitaalka lasoo gaarsiiyo. Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxnaaninaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday.

Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhaqaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin, waxaana hirgelinta xaruntaasi ay fududeysay in bulshada lagu xiro Xarumaha caafimaadka ee loo asteeyay la tacaalidda Feyruska Karoona.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online