
newsinsideMadaxweyne Biixi iyo danjire Nicolas Berlanga ayaa labaduba khudbado ka jeediyey shirka fiidiyowga ee tooska loogu daawanayay.
Danjire Berlanga wuxuu ku boorriyay Somaliland inay ka shaqeyso sidii loo gaari lahaa heshiisyo lagu xalinayo dhibaatada muwaadiniinteeda iyo in la fuliyo himilooyinkooda.
Wuxuu muujiyey sida ay uga go'an tahay EU-da in laga caawiyo geedi socodkaas.
Ergayga Midowga yurub ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyay cilaaqaadka adag ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sida ay uga go'an tahay inuu xiriir dheeri ah la yeesho Somaliland.
Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmaya xilli codadka bulshada caalamka ay riixayaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online