4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid noqday muhaajiriin ku go’doosanaa Giriiga oo la geeyay UK
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Daraasiin muhaajiriin nugul , oo ay kujiraan caruur, ayaa dib ula midoobay qoysaskoodii ku sugnaa Boqortooyada Midowday ee UK, waxaana lagu badbaadiyay hawlgal aan horay loo arag.

Tiro dhan 50 muhaajiriin ah oo ka baqayay inaysan waligood arkaynin kuwa ay jecel yihiin ayaa laga soo duuliyay Athens ilaa London. Mas'uuliyiinta Ingiriiska iyo Griiga ayaa ka wada shaqeeynayey howlgalka, kadib markii dad badani ay ku xayirmeen Gariiga markii duulimaadyadii u dhexeeyey waddammada loo joojiyey aafadii cudurka covid19 bartamihii bishii Maarso.

Hawsha samatabbixintu waxay ka dhalatay bilooyin dadaallo badan oo ay sameeyeen qoysaskooda ku nool UK, iyadoo ay taageerayaan hay'ad samafal ah oo magaceeda la yiraahdo Safe Passage International iyo Lord Alf Dubs.

Muhaajiriintaas waxaa ka mid ah dad ka soo cararay Syria, Afghanistan iyo Soomaaliya. Arday jaamacadeed, oo aan arag walaalkiis ka yar shan sano ka dib markii uu ku xayiran jasiiradda Griigga ee Samos, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay inuu awooday inuu keeno waalaalkiis.

Dhanka kale, wiil 18-jir ah oo ka soo jeeda Soomaaliya, oo bilooyin ku noolaa xero ku taal jasiiradda Lesbos, ayaa sidoo kale dib ula midoobi doona adeerkiis oo ku nool Boqortooyada Ingiriiska.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah barnaamij loogu rarayo qiyaastii 1,600 carruur qaxooti ah oo loo rarayo waddamada Yurub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online