4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Ku dhawaad 40 kamid ah ciidamada Amisom oo laga helay Covid19
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Ilo wareedyo katirsan howlgalka midowga afrika ee Somalia ayaa u sheegay The EastAfrican in ilaa iyo hada la xaqiijiyey 30 kiis oo katirsan ciidamada Ugandha iyo 7 kamid ah ciidamada Burundi.

Kiisaska degdegga ah ee 'Covid-19' ee Soomaaliya ayaa u diidaya nabad-ilaaliyayaasha Howlgalka Midowga Afrika hawlgallada muhiimka ah ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Amisom waxay leedahay ciidamo ka socda Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda iyo Burundi.

Askarta Amisom ee xanuunka laga helay ayaa lagusoo waramayaa inay kusugan yihiin xerada Xalane, xaaladooda caafimaadna waa arin sirdoon militari ah.

Tan iyo markii uu bilowday Covid-19, Amisom waxa ay hoos u dhigeysay howlgaladeeda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna kaliya ka fulinayaan howlo muhiim ah xaafado ka tirsan shabeelaha Hoose, iyagoo ka fogaanaya in uu cudurku saameeyo.

Horraantii toddobaadkan, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, oo hogaaminaya kooxda wax la tacaalida Covid-19 ee Soomaaliya, ayaa adduunka uga digay inay jiri karaan kumanaan kiis oo aan laga warqabin dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online