4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Jubbaland: Mowqif adag ayaan ka qaadan doonna dhibaatada dowladdu ka wado Gedo
 

Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Kadib kulan ay isugu yimaadeen golaha amniga dowlad goboleedka Jubbaland afurka kadib ayay uga heleen arrimo quseeysa xaaladaha amniga Jubbaland iyo isbadal maamul oo maalmihii u danbeeyay ka socday gobolka Gedo.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa sheegay in goluhu ka dooday dhibaatooyin uu sheegay in ay hormuud ka tahay dowladda federaalka, gaar ahaan hay'adda nabad sugidda qaranka oo uu xusay in ay gobolka ka wadaan in maamulladii horay uga jiray degmooyinka gobolka si qasab ah xilalka looga qaadayo ayadoo uu xusay in loo adeegsanayo ciidankii qaranka.

Waxa uu sheegay in ay ugu danbeeysay xil-ka-qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii Garbahaareey oo uu sheegay in diyaarad looga qaaday Degmada isagoo Maxbuus ah, wuxuuna dowladda ugu baaqay in xoriyaddiisa dib loo siiyo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in gobolka loo horseedayo dhibaato hor leh, isagoo sheegay in golaha amniga Jubbaland isku raaceen in 24-la saac ee soo socota ay dowlad goboleedka Jubbaland mowqifyo adag ka qaadanayso arrimahaasi.

Dhinaca kale, Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in diyaarad sida Gar-gaar caafimaad oo looga hortagayo cudurka Corona Virus iyo agabyo kale oo loogu talo galay fatahaadda gobolka ka dhacday oo ay qorsheeyeen in la gaarsiiyay gobolka Gedo laga hor istaagay, walow uusan carabka ku dhufan cidda hor istaagtay balse waxa uu sheegay in ay waxa qalden cidda masuuliyaddeeda leh ay qaadan doonto.


Hiiraan Online News Desk