4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Madaxweynaha Puntland oo ka qaybgalay Kullan uu guddoomiyahay RW Khayre

Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Kullankii ugu horreeyay oo saddex geesood u dhaxeeyay, dowladda Federaalka, Puntland iyo Beesha caalamka ayaa looga hadlay isku dubaridka u gurmashada Qardho, halkaa oo daadad ay ku dhufteen toddobaadkii hore.

Shirka oo uu guddoominayay Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre  ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni , safiirrada beesha caalamka iyo hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada degdegta ah ee hadda loo baahan yahay,wuxuuna caddeeyay in hadda la jooga xilligii deegaanka uu heli lahaa hab cusub oo ah in loo gargaaro dadkii saameeynta xooggan ay ka soo gaartay daadadka oo burburiyay dhismayaal deegaan iyo kuwo ganacsi.

Ra'iisul wasaare Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa.

Wuxuu beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada aha ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen.

Boqollaal qoys ayaa ku barkacay degmada Qardho,iyadoo halkaa ay gaartay kalmo ka timid dowladda Federaalka iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan ganacsatada iyo shacabka Puntland.

Hiiraan Online News Desk