4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Muqdisho: Siyaasiyiin iyo Salaadiin dhaleeceeyay Senatar Fartaag

Isniin, May 11, 2020 (HOL) -  Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa dhaleeceen kala kulmay siyaasiyiin iyo salaadiin ka soo jeeda deegaannada Jubbaland, kaddib markii uu Axaddii sheegay in laga reebay diyaarad Muqdisho ka qaadday maydka Allaha u naxaristo Macalin Maxamed Ibraahim oo Kismaayo shalay lagu aasay.

"Waa nasiib darro niman odayaal ah oo Senataro ah oo uu ka mid yahay Fartaag in uu siyaasadeeyo maydka shalay ee saaxiibkiis Macalin Maxamed oo aanu wadnay inuu nala ka xeeyo ayay aheyd inuu siyaasad ula fadhisto garoonka Aadan Cadde aad ayaan uga xunnahay oo uu yiraahdo diyaaradba layga reebay iyo waa lay diidday inan baxo, cid u diidday iyo cid tiri har midna ma jiro Senatarka isagey siyaasad ka muuqatay." ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdirashiid Aadan Gabyow oo wariyayaasha kula hadlay maanta Muqdisho.

" Dawladda wax ay shaqo ku laheyd ma jirto si sharaf leh ayay maydkaa ku keentay, Hindiya ayay ka soo qaadday  Xamarbay keentay Kismaayay geysay." ayuu ku daray Cabdirashiid  Gabyow oo ka mid ahaa guddiga qaban qaabada aaska marxuun Macalin Maxamed Ibraahim.

Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim iyo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow Ugaas Xamdule ayaa dhankooda beeniyay in Senatar Fartaag laga reebay diyaaraddii shalay ka duushay magaalada Muqdisho,iyagoo eedeymaha Senatar Fartaag ku tilmaamay mid uu ku doonayay in dowladda uu ku dhaleeceeyo.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xubno kale oo bulshada qaybaheeda ah ayaa shalay ka raacay Muqdisho diyaaradda qaadday maydka Allaha u naxaristo Macalin Maxamed Ibraahim oo ahaa wasiirkii waxbarashada iyo aasaasayaashii dowlad-gobolleedka Jubbaland.

Hiiraan Online News Desk